Cali Xoosh “Muudaay wuxuu afduubay Golihii Shacabka oo dhan kadib markii uu cay, aflagaado iyo awood sheegasho kula kacay”
13 Feb 2022 (Puntlandes) Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa jawaab kulul ka bixiyay cabasho is hortaag oo uu maanta sheegay Gudoomiye ku xigeenkii hore ee Golaha Shacabka Soomaaliya Cabdiweli Muudeey, isagoona ku tilmaamay mid aan xaq ahayn cabashadiisa, islamarkaana nasiib leeyahay haddii aan loo raacan ku tagrifal uu awoodii Guddoonka baarlamanka ku sameeyay.
“Waxaan baraha bulshada ku arkay Muudeey oo ka cabanaya in loo diiday safar uu ku tegi lahaa Baraawe,waxaan kaloo arkay qoraal kasoo baxay Wasiirka Amniga Gudaha ee Koonfur Galbeed,waxaana u arkey qoraalka wasiirka mid haboon oo lagu ilaalinayo nidaamka dowladnimada,islamarkaana u xaqsooraya musharaxiinta u tartamaya xildhibaanimada, balse cabashadii Muudaay ma ahayn mid iila muuqatay habboonaan iyo xaq”.
Xildhibaan Cali xoosh oo dhawaan lagu doortay Garowe ayaa wuxuu intaas ku darey muddadii Muudeey Gudomiye kuxigeen 1aad ka ahaa Golaha Shacabka inuu xadgudub u geystay dadka iyo dalka Soomaaliyeed kadib markii xilkaas lagu aaminay.
Cali Xoosh ayaa yiri “Muudaay wuxuu qeyb ka qaatay dib u dhac walba oo ku yimid waxqabadka howlaha gollaha shacabka iyo horumarka dowladnimada, wuxuuna afduubay Golihii Shacabka oo dhan kadib markii uu cay, aflagaado iyo awood sheegasho kula kacay. Lamana ilaawi karo afduubkii iyo karraamo dilkii uu u geysan jiray xubnaha Golaha Shacabka oo uu codkooda Gudomiye kuxigeen ku noqday”.
Xildhibaan Cali Xoosh ayaa ku sii daray “Muudeey wuxuu ku dhaqmay musuqmaasuq iyo Baad inuu ka qaado hay’adaha dowlada oo ay ku jiraan kuwa ugu sareeya dalka, haddii aan maxkamad la geyn oo aan loo raacanin wixii uu geystay, waxa ugu yar oo uu muddan karo waa in laga ilaaliyo matelaad iyo masuuliyad dambe oo uu ka qabto Dalka. taasi waxay wax ka taraysaa habsami u socodka howlaha Golaha Shacabka iyo horumarka dowladnimo Soomaaliya ay higsanayso. waxay kaloo tusaale u noqonaysaa in laga daba tageyo maalin uun cid kasta oo sameysay dhaqan xummo iyo musuqmaasuq”