Sawirro-Muuqaal: Madaxweyne kuxigeenka Somaliland oo Shirguddoonka Wakiillada kala Wareegay Lacag Gurmadka Abaaraha loogu tala galay
15 Feb 2022 (Puntlandes) Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland ahna guddoomiyaha guddida abaaraha, ayaa maanta lacag dhan $50,000 (Konton kun) oo dollar kala wareegay shir-guddoonka golaha wakiillada, taas oo ay ugu talo galeen inay kaga qayb-qaataan dedaalka loogu jiro in gurmad la gaarsiiyo dadka iyo duunyada abaaruhu saameeyeen.
Kulanka ay xubnaha shir-guddoonka golaha wakiilladu ku wareejinayeen lacagta ee ay goluhu ku deeqeen oo ka qabsoomay xarunta madaxtooyada oo ay madaxweyne ku-xigeenka ku wehelinayeen xubno kamid ah guddida abaaraha, ayaa waxa halkaas laga jeediyey hadallo kooban oo loogu mahadnaqayo xubnaha golaha wakiillada sida ay xilka isaga saareen inay qayb ka qaataan gurmadka abaaraha dalka ka jira, islamarkaana lagu hogo-tusaalaynayo in si habsami leh looga wada qayb qaato loona wada guntado sidii gacan looga geysan lahaa biyo iyo baad la’aanta ay abaartu sababtay.
Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna guddoomiyaha guddida abaaraha, ayaa golaha wakiillada ku ammaanay is xilqaanka iyo qaaraanka ay guddida gurmadka abaaraha gaarsiiyeen, isaga oo guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed dhinaciisa hoosta ka xarriiqay inay gole ahaan xil weyn iska saareen inay dadkooda abaarta ku tabaaloobay wixii awooddooda ah gaadhsiiyaan qaadhaan loogu gurman karo.