Kursiga uu ku fadhiyay C/weli Muudey oo loo doortay mudane kale

16 Feb 2022 (Puntlandes) Maxamed Cabdalla Axmed ayaa ku soo baxay kursiga HOP145 oo saaka doorashadiisa ka dhacday Baraawe.

Kursigaan ayaa waxaa horay ugu fadhiyay C/weli Muudeey Guddoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 10aad.

Xildhibaan Maxamed Cabdalla ayaa ku dhashay deegaan ka tirsan Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, waxaa la sheegaa inuu heysto dhalashada Australia.

Sidoo kale doorasho ka dhacday saaka magaalada Baraawe ayaa Maxamuud Axmed Maxamed waxa uu ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop045 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS isagoo helay codad gaaraya 90-cod halka musharaxii la tartamayey ee Yuusuf Maxamed Cabdulaahi uu heley 8-cod, waxaana halaabay Saddex cod.

Kursiga Hop045 ayaa waxaa horay ugu fadhiyay oo tartanka laga reebay Wasiirka Batroolka Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed.

About The Author