Sawirro-Muuqaal: Madaxweyne Deni oo dhaggax dhigay dhismaha cusub ee Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland
17 Feb 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhaggax dhigay dhismaha cusub ee Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Puntland.
Madaxweynaha ayaa Munaasabadda kaga dhawaaqay magaca cusub ee Wasaaradda Isgaarsiinta, Tiknoolajiyadda, Warfaafinta, Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka. Wuxuu Madaxweynuhu muujiyay muhiimada ay Wasaaraddan u leedahay Dowladdnimada iyo wacygelinta Bulshada.