Dhagayso: Wasiir Cabdirashiid “Heshiiska shidaalka waxaa ila ogaa madaxweyne Farmaajo”

19 Feb 2022 (Puntlandes) Wasiirka Batroolka Soomaaliya C/raahiid Maxamed Axmed ayaa waraysi uu siiyey idaacadda VOA ku sheegay inay la saxiixdeen Shirkadda Coastline Exploration LTD (Ex SOMA OIL) 7 xirmood oo shidaalka ah, isagoo sheegay inuu ku garab siiyay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Inkastoo horay Viilla Somalia u soo saartay in aan wax heshiis ah la geli karin inta lagu guda jiro xilli kala guur ah ayaa waxaa muuqata in qorshaha lagu suuq geynayo xirmooyinka shidaalka ee horay loo sahmiyay uu yahay mid dhaqaale lagu raadinayo, gaar ahaan ololaha doorashada.

Heshiiskan oo xafiiska madaxweynaha iyo kan Ra’isul wasarahuba ay diideen jiritaankiisa iyo ogaanshiyihiisa ayuu wasiirku sheegey in uu Soomaaliya u yahay fursad dhaqaale iyo mid wax soo saar.

Wasiir C/raahiid ayaa sidoo kale VOA u sheegay inay xaqulqalin ku qaateen lacag dhan 7 milyan oo doollar, isagoo sheegay in uusan garaneyn sababta uu hada uga hor yimid, isagoo ku macneeyey in culeyska dhanka baraha bulshada ka soo wajahay uu isaga difaacayo.

Dhagayso waraysi ay wasiirka la yeelatay idaacadda VOA

About The Author