Qarax lala eegtay kolonyadii Madaxweynaha Puntland
21 Feb 2022 (Puntlandes) Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa qarax maanta afaafka hore ee magaalada Bosaso lagula beegsaday kolonyo la socotay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo gaaray Bosaso.
Wararku waxay sheegayaan in qaraxa oo ka dhacay nawaaxiga kantaroolkii hore ee Bosaso uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Qaraxa oo sida la sheegay ahaa miina dhulka ku aasnayd waxa ku geeriyooday laba askari halka afar kalena ku dhaawacmeen.
Kooxda Alshabaab ayaa markiiba sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas oo ah kii ugu horreeyay ee taariikhda Puntland lala beegsado kolonyo madaxweynaha la socota.