Sawirro: Madaxweyne Deni oo qaabilay qaar ka mid ah Isimada gobolka Bari

26 Feb 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada Puntland ku qaabilay qaar ka mid ah Isimada gobolka Bari oo kala ah Boqor Burhaan Boqor Muuse, Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaaciil, Beeldaaje Cali Beeldaaje Faarax, Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin iyo Beeldaaje Cali Beeldaaje Salaad.

Isimadan ayaa ahaa kuwii qoraalada kasoo saaray shaqaaqadii Bosaso ka dhacday, iyagoo la saxnaa dhanka Agaasimihii hore ee PSF ere diiday inuu xilka wareejiyo kadib markii uu xilka ka qaaday madaxweyne Deni.

Saxaafadda lama aysan wadaagin inay shaqaaqadii Bosaso kulanka uga hadleen laakiin Madaxtooyada dawladda Puntland ayaa shaacisay in kulanka ay uga hadleen xaaladda Guud ee Gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland,

About The Author