Daawo Gen Indhoqarsho oo si qiiro leh uga hadlay madaxweyne Qoorqoor oo ka horjoogsaday kursi Beeshiisu siisay

01 Marso 2022 (Puntlandes) Gen. Daahir Aadan Cilmi (Indhoqarsho) wuxuu soo noqday laba jeer taliyaha ciidanka Xoogga dalka, wuxuu ka qeyb lixaad leh ka soo qaatay dhismaha ciidamada xoogga.

Indhoqarsho ayaa ka mid ahaa saraakiishii ka qeybgashay dagaalkii 77, guulaha waawayna ka soo hooyay isagoo lagu siiyey dagaalkaas billad geesi Qaran.

Dhanka kale Gen. Indhaqarsho ayaa wuxuu go’aansaday inuu siyaasadda ka qeybgalo, wuxuuna muddo sanad ah olole ugu jiray sidii uu uga mid noqon lahaa Baarlamaanka 11aad ee JFS.

Beesha uu kasoo jeedo ayaa Generaalka siisay kursi ay kul ahayd Golaha Shacabka ee HOP 020, kaas oo madaxweyne Qoorqoor oo diidan Indhoqarsho uu ka dhigay kursi Haween.

Indhoqarso oo ah halyey qaran maanta waxaa ka horjoogsaday kursi Beeshiisu u garatay Qoorqoor.

About The Author