Dhagayso: CabdiQaybdiid oo ku gacan sayray War-murtiyeedkii maanta ay Garowe ka soo saareen DFS iyo Dawlad Goboleedyada

Idaacada VOA ayaa ka waraysatay CabdiQaybdiid War-murtiyeedkii maanta ee Garowe ka soo baxay isagoo ku dooday in uu yahay sharcidaro War-murtiyeedkaas maanta Garowe ka soo baxay, wuuuna intaas sii raacshay in ay ka hor imaanayso go’aankii ahaa in labada Gobol ee ”Mudug” iyo Galgaduud.

Wuxuuna ku dooday CabdiQaybdiid  wax uu ugu yeeray Ergada ka soo jeeda Waqooyiga ee iminka ku sugan Cadaado ay go’aan ka gaarayaan meesha uu Gobolka Mudug raacayo ee in aysan go’aan ka gaari karin Xasan Sheekh iyo Gaas.

Hogaanka madaxweyne Gaas

Ma wuxuu CabdiQaybdiid sharci u arkaa dawlad dhisnayd 17 sano in uu dhulkeeda dhaho qayb baan goosanayaa? Mise tahay wax macquul ah oo laga wadahadlo arintaasi haddii uusan dagaal OOGE CabdiQaybdiid  meel ku ogaan madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo uu CabdiQaybdiid  ku murmayo Gobolkuu ka soo jeeday in uu ka goosanayo Puntland?

Hal ninkii lahaa uu dhacayo waa adagtay sida lagu badbaadiyaa, hada Haddii madaxweyne Gaas uu Gobolkiisii nin kale u sahlay in uu BOOBO soow yaab maaha!!! Maxayse sugayaan Guud ahaan shacabka Puntland iyo gaar ahaan reer Mudug ma inta Beesha Caalamka (Afey iyo Gen Gabre oo iminka ku sugan Cadaado) oo ah Itoobiyaan iyo Kenya u aqoonsanayaan CabdiQaybdiid  in uu uu hoos yimaado Gobolka Mudug?

 

Dhagayso waraysiga ay VOA la yeelatay CabdiQaydiid


Puntlandes.com

About The Author