Bosaso oo lagu doortay 16 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka
05 Marso 2022 (Puntlandes) Doorashada 16 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya maanta ka socota magaalada Bosaso, waxaana ilaa hadda la doortay.
1-Kursiga HOP157 oo loo doortay Maxamuud Axmed Aaden Geesood
2-kursiga HOP127 oo dib loogu doortay Cabdicasiis Maxamed Maxamuud (Qambi)
3-Kursiga HOP273 oo loo doortay Taliyihii hore ee Booliiska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko
4-Kursiga Hop234 loo doortay Marwo Cabdi Bashiir
5-Kursiga Hop076 oo uu cod gacan taag ah ku guulaystay Muuse Axmed Ismaciil
6-Kursiga Hop169 oo loo doortay Cali Mahdi Maxamed Qalato
7-Kursiga HOP083 oo loo doortay Maxamed Bashiir Cali
8-Kursiga HOP220 oo loo doortay Cali Xaaji daahir Saleebaan
9-Kursiga HOP149 oo loo doortay Faysal Axmed Maxamuud
10-Kursiga HOP158 oo loo doortay Sadaam Maxamuud Cabdi
11-Kursiga HOP027 oo loo doortay Siciid Cali Muuse
12-Kursiga HOP036 oo loo doortay Maxamed Aadan Diin
13-Kursiga HOP222 oo loo doortay Caynaanshe Yusuf Xuseen
14-Kursiga HOP228 oo loo doortay Cabdulaahi Faarax Mire
15-Kursiga HOP014 oo loo doortay Ismaaciil Shire Jaamac
16-Kursiga HOP228 oo loo doortay Maxamed Cabdulqaadir Maxamed
Magaalada Bosaso oo ah deegaan doorashada labaad ee Puntland ayaa waxaa yaalay 16 kursi kuwaas oo maanta lasoo gabogabeeyey, halka Garowe oo ah tan koowaad ay yaaleen 21 kursi lana doortay 15 ayna harsan tahay 6 kursi.
Guud ahaan Puntland oo yaaleen 11 kursi oo Aqalka Sare ah iyo 37 kursi oo Golaha Shacabka ah ayaa waxay doorashadoodu dhiman tahay 6 kursi oo qura.