Shariif Xasan Sheekh Adan oo loo diiday inuu u safro Baydhabo

06 Marso 2022 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa laga hor istaagay in uu u safro magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Shariif Xassan uu doonayay inuu u tartamo kursi yaala magaalada Baydhabo oo uu horay ugu fadhiyay wiilkiisa.

Doorashada ka socota Dowlad goboleedka Koofurgalbeed ayaa waxaa hore loogu diiday inuu u safro magaalada Baraawe guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka CabdiWali Muudeey,si uu ugu tartamo kursi uu horey ugu fadhiyay.

About The Author