Dhagayso: Garbahaarey oo looga dhowaaqay go’aan ka dhan ah gudiga uu magacaabay Rooble

06 Marso 2022 (Puntlandes) Gudoomiyaha maamulka gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed oo wareysi siiyey VOA ayaa faah faahiyey warsaxaafadeed uu maamulka kasoo saaray xaaladda Garbahaarey & khilaafka hareeyey kuraasta taalla magaaladaasi.

Axmed Buulle ayaa shaaca ka qaaday in guddiga qiimeynta ee uu magacaabay ra’iisul wasaare Rooble uusan imaan karin gobolka Gedo, gaar ahaan Garbahaarey, wuxuuna tilmaamay in horey qiimeyn loo sameeyey, haddana ay diyaar u yihiin qabashada doorashada uun.

Guddoomiye Axmed Buulle ayaa yiri “Guddigaas isaga ah guddi aan aqoonsanahay ma’aha, guddi aan aqbaleynana ma aha, mana soo dhoweyneyno, mana noo imaanaayaan,”

Mar wax laga weydiiyey sababta ay ku diidan yihiin guddiga ayuu sheegay in uusan qayb ka aheyn heshiishii 17-kii September, isla-markaana laga leeyahay dano gaar ah.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale soo jeediyey in shaqooyinkooda loo daayo guddiyada doorashooyinka ee hee federaal, heer dowlad goboleedka iyo xallinta khilaafaadka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo la filayo guddiga uu magacaabo Rooble oo dhowaan tegay Kismaayo inay aadaan dhinaca Garbahaarey, si ay xaaladda usoo qiimeeyaan.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase xiisadda sii xoogeysaneysa ee Garbahaarey kusoo beegmeysaa iyadoo gabagabo uu yahay xiliga loo cayimay doorashada.

About The Author