Sawirro: Madaxweyne Deni oo qaabilay Xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka JFS ee shalay lagu doortay Bosaso

06 Marso 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qaabilay Xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka JFS ee shalay lagu doortay Boosaaso.

Madaxweynaha oo kulan Qado ah la qaatay Mudaneyaasha Golaha Shacabka, ayaa ugu hambalyeeyay xilka loo doortay Wuxuuna alle uga baryay in masuuliyaddaasi uu u fududeeyo.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Qaar ka mid ah senatarada iyo xildhibaanadii hore loogu doortay Garoowe iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.

About The Author