Sawirro-Muuqaal: Wadada Maxamud Yaasin Tumey ee Gaalkacyo oo xariga laga jaray

07 Marso 2022 (Puntlandes) Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur oo ay wehlinayaan Gudoomiye ku xigeenka Degmada Gaalkacyo iyo Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ayaa Xariga ka jaray Laamiga Cusub {Maxamud Yaasin Tumey} oo isku xiri doona Laamiga Wayn ee Magaalada Gaalkacyo iyo Laamiga Siinay.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa Bulshada Gaalkacyo kula dardaarmay ilaalinta laamigan iyo in sidagan loo maro lana ilaaliyo tayada wadada, dhanka kale Gudoomiyaha ayaa umahadceliyey Shirkada Kebarco oo dhismaha Mashruucan fulisay.

About The Author