IMF oo mar kale uga digtay dowladda Soomaaliya dib u dhac doorashada
09 Marso 2022 (Puntlandes) Hay’adda lacagta adduunk, (IMF), ayaa mar kale ku celisay in hubanta la’aanta siyaasadeed iyo dib u dhacyada doorashooyinka Soomaaliya ay keeni karaan in si toos ah uu u dhaco barnaamijka taageerada dhaqaale ee Soomaaliya.
IMF waxay sheegtay arintani inay khatar gelin doonto bixinta deeqaha taageerada miisaaniyada dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo inta badan ku tiirsan taageerada dowladdu ka hesho dibadda.
IMF waxay sidoo kale sheegtay in tani meesha ka saari doonto barnaamijka deyn cafinta buuxda ee loosoo gaabiyo magaciisa HIPC.
Si barnaamijku u socdo, IMF waxay sheegtay haddii Madaxweyne la doorto inay xaqiijinayso sida ay uga go’an tahay sii wadida barnaamijka dhaqaalaha inay dib u bilaabaan deeqaha miisaaniyadda Soomaaliya
Hay’adda IMF waxay caddeysay in haatan miisaaniyada deeq bixiyayaasha Soomaaliya uu hakad ku jira ilaa doorashooyinka la dhameeyo.