Golaha Wasiirrada DFS oo ansixiyey Miisaaniyad KMG ah
13 Marso 2022 (Puntlandes) Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble maanta qabsoomay ayaa lagu ansixiyey Miisaaniyad KMG ah ee dawladda Federaalka Soomaaliya.
Miisaanoyadaan KMG ah ayaa dhan $ 206,474,223, waxaana loo qoondeeyey howl fulinta dowladda ee bilaha April ilaa June ee sanadkan.
Ansixinta Miisaaniyadaan KMG ah ayaa looga badbaadiyaa si loo sii wado Hanaanka Deyn cafinta Soomaaliya.