Ra’iisulwasaaraha Itoobiya oo eedayn culus u jeediyey madaxweynaha DDS

14 Marso 2022 (Puntlandes) Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa sheegay in dhibaatooyinka ka jira Deegaanka Soomaalida ay ugu horeeyaan maamulxumo dhanka biyaha ah iyo xatooyo ka jirta dhanka Magaaladda Wajaale.

Abiy Axmed ayaa maamulka madaxweyne Mustafa Cagjar ku eedeeyey in Shidaalkii deegaanka loogu talagalay ay xadka Soomaaliya si sharcidarro ah uga gudbiyaan iyo adeegxumo.

Ra´iisul wasaare Abiye Axmed ayaa yir ”Wajaale cida ka dhigatay marin musuq waa maamulka iyo madaxda Degaanka Somaalida, kuwa shidaalka ka dhoofiyaa waa maamulka Degaanka soomaalida”

Abiye oo ku eedeeyey maamulka madaxweyne inay maamulxumadiisa keentay biyo la´aan ayaa yiri ”Deegaanka Soomaalida Biyo la’aan kama jirto maamul xumo dhanka biyaha ah ayaa haysta”

Aad buu Waliba carabka ugu adkaynayaa in dhibaatooyinka waawayn ee deegaanka ku jira ay yihiin kuwo wax laga qabankaro balse dhanka maamulka ay habacsanaan iyo musuqmaasuq ka jiro.

About The Author