KGS oo qaadacday jadwalka xaraynta iyo dhaarinta Xildhabaanada la doortay!
15 Marso 2022 (Puntlandes) dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa kasoo horjeesatay adwalka xaraynta iyo dhaarinta Xildhabaanada la doortay ee ay soo saareen Guddiga doorashooyinka heer federaal, halkan ka akhriso
Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada KG ayaa lagu shaaciyey goaankaas, lama garanayo sababta ay uga hortimid KG laakiin madaxwene Lafta Gareen ayaa gacansaar hoose la ah madaxweyne Farmaajo.
Qoraalka ayaa lagu sheegay inaysan Raiisul wasaare Rooble iyo Guddiga doorashooyinka heer federaal wax wax kaalin ah ku lahayn isu yeeridda iyo dhaarinta xildhibaanada cusub.
Hoos ka akhriso qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada KG
war-saxaafadeedjadwalka isu yeerista iyo dhaarinta xildhibaannada labada aqalka ee soo baxay Guddiga doorashooyinka heer federaal waa tallaabo sharci darro.
Baydhabo, 16ka Maarso 2022: Dowladda Koonfur Galbeed waxay caddaynaysaa inaysan waxba kala socon jadwalka la faafiyay ee ku saabsan hannaanka loo marayo isu keenista, shahaado bixinta iyo dhaarinta xildhibaannada la doortay ee Labada Aqalka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sidaas darteedna warqadda soo baxday aysan ahayn mid dhaqangal ah.
Koonfur Galbeed waxay kaliya aqbalaysaa jadwal iyo qorshe ay ku heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaran kaasoo ku yimid wadatashi ay ka qeybqaateen dhammaan Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Ugu dambeyntii, Dowladda Koonfur Galbeed waxay xaqiijinaysaa in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiga Doorashooyinka Heer Federaalba wax kaalin ah oo sharci waafaqsan aysan ku lahayn u yeerista iyo qabanqaabada dhaarinta Xildhibaannada la doortay, waajibaadkaasna uu sharcigu siinaayo Barlamaanka 10aad sidii dhacday Barlamaankii 9aad oo ah doorashadii u dambaysay ee dalka ka qabsoomay 2016/2017.