Akhriso beesha Cumar Maxamuud oo go’aano adag kasoo saartay boobka kuraasteeda

16 Marso 2022 (Puntlandes) Isimada Beesha Cumar Maxamuud ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay doorashadal abada kursi HOP198 & HOP199 oo ay Guddiga Doorashooyinka heer Puntland shaaciyeen inay jimcaha qabanayaan.

Isimada ayaa warsaxaafadeeja ku yiri ” Beesha Cumar Maxamuud waxay cadaynaysaa in wixii dhib ah oo ka yimaada boobka kuraasta 198 iyo 199 uu masuuliyaddeeda qaadi doono madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.”

Sidoo kale Isimada Beesha Cumar Maxamuud ayaa warsaxaafadeedka ku yiri “Isimadu waxay cadeynayaan inaysan waxba kajirin ergada laga qoray suuqa mana ahan ergadii beeshu qaybsatay”

Isimada Beesha Cumar Maxamuud waxay ka digeen qalaalase ka dhasha BOOBKA kuraasta 198 iyo 199, kaas oo waxyeeli kara amniga Puntland.

Sidoo kale waxay caddeyneyeen in wixii dhib ah oo ka yimaada boobka kuraasta 198 iyo 199 uu masuuliyadeeda qaadi doono Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Isimada Beesha Cumar Maxamuud ayaa waxay go’aamiyeen in musharraxiinta beesha aysan ka qeyb gelin xulashooyinka socda ee ku saleysan boobka, lana aqbali doonin cidii ku soo baxda fowdada hadda jirta.

Akhriso beesha Cumar Maxamuud oo go’aano adag kasoo saartay boobka kuraasteeda

About The Author