Xildhibaan Nadiif oo ku guuleystay Kursiga HOP124 Uu Ku Fadhiyay C/Raxmaan Dheere

19 Marso 2022 (Puntlandes) Magaaladda Kismayo waxaa goordhow lagu qabtay doorashada laba kursi oo deegaan doorashadooda ay tahay Jubaland, iyadoo kuraastan hore loogu xiray musharixiinta soo baxday.

Kursiga koowaad oo sumadiisu tahay HOP124 oo uu hore ugu fadhiyay C/raxmaan Dheere, waxaa codad gaaraya 74 ku guuleystay Xildhibaan Maxamed Nadiif, iyadoo uu tanaasulay musharixii la tartami lahaa.

Nadiif ayaa kursigan ku soo fadhiyay intii u dhexeysay 2004 ilaa 2012, iyadoo wixii ka danbeeyayna uu ku fadhiyay C/raxmaan dheere oo ah gacan yaraha taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo sameeyay dadaal kasta si uu kursiga ugu soo laabto markiisii 4-aad balse waxaa arintaas liqi waayay madaxweyne Axmed Madoobe, iyadoo uu eersaday kaalintiisii muuqatay duulaankii ka dhanka ahaa Jubaland ilaa heer uu gaaray inuu soo kala furo Jubaland iyo wasiirkeediii Amniga C/rashiid Janan.

Dhinaca kalena, Kursiga labaad oo sumadiisu tahay HOP029 waxaa ku guuleystay Axmed Maxamuud Jaamac oo kamid ahaa suxufiyiinta warbaahinta Jubaland.

About The Author