Madaxweyne Deni iyo Safiirka Mareykanka ee Somalia oo taleefanka uga wadahadlay doorashada Soomaalia
19 Marso 2022 (Puntlandes) Safiirka Mareykanka ee Somalia Lary Andre ayaa taleefanka kula hadlay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni, kaddib markii uu soo gabagabeeyay doorashada xubnaha Baarlamaanka.
Labada dhan ayaa waxaa ay isku raaceen in dhameystirka xubnaha Baarlamaanka ay u muhiim u tahay wejiga xiga ee hannaanka doorashada.
Amb. Andre ayaa ku booriyay Madaxweynayaasha Jubaland iyo Hirshabelle inay soo dhameystiraan xubnaha ka dhiman Baarlamaanka, si waafaqsan heshiisyadii hore.