Rooble ku boorrinayaa Jubaland iyo Hirshabeelle in ay sida ugu dhaqsaha badan usoo dhammaystiraan Kuraasta Golaha Shacabka ee harsan

20 Marso 2022 (Puntlandes) Ra’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay go’aanka guddiga doorashada Hirshabelle looga saaray gudoomiyihii guddigaas kadib markii lagu eedeeyay ku takri fal awoodeed.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble ayaa dhinaca kalena lagu bogaadiyay shaqsiga cusub ee lagu buuxiyay booskii xubinimada guddiga ninka lagu magacaabo Maxamed Xuseen Maxamed.

Hoos ka akhriso qoraalka Rooble

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxa uu si dhaw ula socdaa juhdina ku bixinayaa dhammaystirka doorashada kuraasta Golaha Shacabka BFS ee wali harsan isagoo kala shaqaynaya Madaxda Dowlad-goboleedyada Jubaland iyo Hirshabeelle.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu u hambalyaynayaa Maxamed Xuseen Maxamed oo xubin ka noqday Guddiga Doorashada ee Hirshabelle kaas oo badalaya Axmed Xasan Diini, waxa uuna farayaa dhamaan Guddiyada doorashooyinka in ay ku shaqeeyaan habraacyada iyo heshiisyada Doorashada ilaaliyaanna kala danbaynta.

Ra’iisul Wasaaraha oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxwaynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayay ka wada hadleen in kuraasta Xildhibaannada ee taalla Baladwayne loogu tartamo si furan isla markaana aan shaqsi gaar ah loo xirin.

Ugu danbayn Ra’iisul Wasaaraha XFS waxa uu ku boorrinayaa Madaxda Jubaland iyo Hirshabeelle in ay sida ugu dhaqsaha badan u soo dhammaystiraan Kuraasta Golaha Shacabka ee harsan.

About The Author