Axmed Karaash oo soo dhaweeyey Musharaxnnimada Madaxweyne Deni ee xilka Madaxweynaha Soomaaliya

21 Marso 2022 (Puntlandes) Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cusmaan Karaash ayaa soo dhaweeyey Murrashaxnnimada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee Madaxweyne Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Qoraal uu soo saaray Axmed Karaash ayuu ugu baaqay Xildhibaanada cusub ee Puntland ku metelaya Baarlamaanka JFS, Masuuliyiinta dowladda iyo Shacabka Puntland-ba inay garab istaagaan Musharax Deni kuna taageeraan inuu guulaysto.

Axmed Karaasha ayaa qoraalkiisa ku yiri sidaan:

Waan soo dhoweynayaa ku dhawaaqida musharaxnimada Madaxweyne Deni ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Mudanayaasha Baarlamaanka ee Puntland ku metelaya BJFS, Masuuliyiinta dowladda iyo Shacabka Puntland-ba waxaan ka codsanayaa inaynu garab istaagno amba bixiisa si aynu uwada guulaysano.

About The Author