Booliska oo war kasoo saaray weerarka Xalane
23 Marso 2022 (Puntlandes) Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa faah faahin hordhac ah ka bixiyey weerarkii barqanimadii maanta lagu qaaday xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.
Afhayeenka Booliska oo u hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in weerarka ay qaadeen labo ka mid ah kooxda Alshabaab, ayna galeen xero u dhow garoonka.
Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in ciidamada ammaanka ay ka hortageen weerarkaasi oo ka yimid dhinaca xerada Mariino Gate.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in haatan uu weli socdo baaritaanka iyo howlgalka, isla-markaana uu faah faahinta dib ka bixin doono.
Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaan rasaas laga maqlayaa gudaha Xerada Xalane oo ay dagan yihiin ciidamada AMISOM, sidoo kalena ay ku yaallaan safaarado waa weyn.
Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna dhankeeda shaacisay in haatan ay toogasho ka socota gudaha xerada, sida ay baahisay Andaluus.