Xilibaan Aamina oo qarax lagu dilay magaalada Beledweyne
23 Marso 2022 (Puntlandes) Qaraxyo kale ayaa la sheegay inay ka dhaceen gudaha gudaha xerada sida weyn loo ilaaliyo ee Lamagalaay, taaas oo madaxtooyo u ah maamulka.
Xildhibaan Aamin Maxamed Cabdi oo ka mid ahayd musharaxiinta u tartamaysa kursiga HOP135 kuna fadhiday kursigaas Baarlaamnkii 10aad, waxaana ay qaraxyadaana sababeen dhimasho iyo dhaawac.
Waxaa ka jirta xaalad cakirnaan gudaha xarunta madaxtooyada Hirshabelle ee magaalada Beledweyne qaraxa labaad kadib ay bilaabatay rasaas la iswaydaarsanayo.
Illaa labo qarax ayaa la sheegay inay ka dhaceen gudaha madaxtooyada iyadoo qaraxii hore uu ahaa mid lala beegsaday Aamina Maxamed Cabdi.
Dadka kale ee ku geeryoodayna waxaa ka mid ah Xildhibaan hore xasan Cali Cabdi (Dhuxul) ahaana musharrax kursiga HOP058.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Hirshabelle ee la xiriira qaraxyada ka dhacay Beledweyne.