Daawo Muuqaal: Cali Guudlaawe “waxaa ku dhintay qaraxii xalay 48 qof….”

24 Marso 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa si adag u cambaareeyay falalkii argagixiso ee xalay ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa sheegay inay qaraxii xalay ku dhinteen dad gaaraya 48 qof waxaana ku dhawaacmay sida uu sheegay 108 qof.

Madaxweynaha ayaa u tacsiyeeyay ehelada iyo qaraabada Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, Masuuliyiinta iyo shacabkii ku nafwaayay weerarkii bahalnimo ee xalay. Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn amray Maamulka Gobolka Hiiraan iyo laamaha amaanka inay adkeeyaan amaanka, baaris dhameystirana ku sameeyaan falalkii argagixiso ee xalay dhacay.

About The Author