Daawo Muuqaal: Madaxweyne Laftagareen “anagoo 77 xildhibaan leh, ma rabno sanadaan in nala hogaamiyo”

27 Marso 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo xalay kulan sagootin u ah u sameeyay xildhibaanada labada aqal ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka iyo isbedel ay damacsan yihiin.

Lafta-Gareen ayaa qiray in wal-wal xoogan ay ku heyso doorashada iyo dhameystirkeeda, isla-markaana uu habeenkii ku riyoon jiray iyadoo qof la dooranayo.

Lafta Gareen ayaa ku faanay inay heestaan xildhibaanada ugu badan, aysana dooneyn in la hoggaamiyo, balse iyagu ay wax hoggaamin doonaan, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Laftagareen “anagoo 77 xildhibaan leh, ma rabno sanadaan in nala hogaamiyo ee annagaa wax hoggaamineyna”

About The Author