Sawirro: Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kulan la qaatay mas’uuliyiinta Wasaarada Maaliyadda ee Gobolada Kar-kaar iyo Sanaag.
27 Marso 2022 (Puntlandes) Wasiirka Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo hawlo shaqo u jooga magaalada Qardho ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiinta Wasaarada Maaliyadda ee Gobolada Kar-kaar iyo Sanaag.
Kulanka Wasiirka waxaa ku weheliyey Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Dakhliga Abshir Maxamed Abshir Mas’uuliyiinta Wasaaradda ee Gobolada Kar-kaar iyo Sanaag Ayaa wasiirka xog dheeri ah ka siiyey Halka uu marayo dakhliga gobolada, habsami u socodka qaadista Canshuuraha iyo shaqooyinka Wasaaradda ee labada gobol.
Inta uu socday Kulanka waxaa si qotodheer looga hadlay meelaha ay ka jirto habacsanaanta dakhliga, Abuuriste ilo dakhliga iyo sidii kor loogu qaadi lahaa u Hogaansanka cashuuraha iyo hormarinta adeegista cashuur bixiyaha.
Madaxda Wasaaradda Maaliyadda oo uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi waxa ay ku hawlan yihiin dar-dar galinta dakhliga oo guulo wax ku oola horay looga gaaray sidii loo xoojin lahaa.
Wasiir Xasan Shire Cabdi ayaa soo kormeeray xafiisyada shaqada ee Wasaaradda Maaliyadda ee qardho Iyo habsami u socodka shaqada, waxaana uu shaqaalaha iyo Mas’uuliyiinta kula dar-daarmay xoojinta shaqada iyo kobcinta Dakhliga Dowladda iyo ka hortagga kontorobaanka.