Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya iyo Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya oo walaac ka muujiyey dib u dhaca doorashada madaxweynaha Soomaaliya
28 Marso 2022 (Puntlandes) Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Lary Andre iyo Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson ayaa walaac xoogan ka muujiyey dib u dhaca doorashada madaxweynaha Soomaaliya.
Labada masuul ayaa ka wada hadlay walaaca laga qabo in qorshaha dib u habeynta dhaqaalaha ee guusha laga gaaray inuu dib u dhac ku imaan karo, haddii aan dowlad cusub la soo dhisin.
Taageerada Maaliyadeed ee kabka miisaaniyadda iyo nidaamka deyn cafinta ayaa halis ku jira, waxaana dhowaan Bangiga Adduunka uu sheegay in dhammaan taageerada maaliyadeed ay hakaneyso bartamaha bisha May haddii aan muddadaas Soomaaliya helin Dowlad cusub.