Sheekh Shariif oo ku baaqay in deg deg loo dhaariyo xildhibaanada cusub kadibna…
28 Marso 2022 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya isla markaasna ah musharax madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa qoraal uu soo dhigay barta uu Facebook ku leeyahay ku qaaqay in deg deg loo dhaariyo xildhibaanada cusub kadibna ay doortaan gudoonkooda iyo madaxweynaha dalka.
Sheekh Shariif ayaa qoraalka ku sheegay in dalku uu jiro xaalad aad u khatar badan oo amni iyo inay halis ku jirto dayn cafintii socotay.
Hoos ka akhriso qoraalka Sheekh Shariif:
Dalku waxa uu ku jiraa xaalad halis ah oo aan la dhayalsan karin, waxaa la ogsoonyahay amni darrada baahsan ee ka jirta wadanka iyo sida hay’adaha Amniga ay uga guuldaraysteen sugidda amniga iyo gudashada waajibkii loo igmaday, sidoo kale hay’adihii dhaqaalaha ee dunida sida:
IMF and WB waxay walaac ka muujiyeen raad xumida ay reebi karto jiitanka doorashada oo ay ugu horeyso:
1- In la hakiyo deeqihii lagu kaabi jiray miisaaniyadda Dalka.
2- In hannaankii dayn cafinta uu galo hakad ama dib u dhac soo kabashadiisu ay qaadato muddo dheer.
Sidaa awgeed, waxaa lagama maarmaan ah in si deg deg loo qabto doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, marwalba oo dib u dhac uu ku yimaado doorashada waxaa sii kordhaya halista jirta ee ka dhanka ah dadka iyo dowladnimada Soomaaliya, waxaana ugu baaqayaa Golaha Wadatashiga Qaranka iyo Guddiyadda doorashooyinka in ay mas’uuliyadda qaataan lana dhaariyo Xildhibaanada si ay u gutaan waajibaadkooda Qaran.