Sawiro-Muuqaal dheer: Warbixinta Mashaariicda laga fuliyey Dudun-barwaaqo ee degmada Galxamur DDS & shacabka oo soodhaweeyey

29 Marso 2022 (Puntlandes) Deegaanka Dudun-barwaaqo ee degmada Galxamur ee gobolka Doollo DDS Itoobiya ayaa waxaa laga hirgeliyey mashaariic horumarineed oo kala duwan.

Deegaanka Dudun oo ay biyo laaan iyo waxbarasho laaani ay ka jirtauy ayaa waxaa 7dii july 2021kii xarigga laga jaray Ceel Biyood, iyadoo hrorayna looga hirgeliyey Iskuul Hoose iyo Madaraso lagu barto diinta Islaamka.
Waxaa di b loo dhisay Masaajidkii Santarka Dudun oo horay u burburay aana shawqqaynayn, iyadoo hadda lagu cibaadaysto.

Shacabka deegaanka Dudun ayaa soo dhaweeyey mashaariicdaan looga fuliyey deegaankooda, mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa yiri ” Dudun shalay waxay ahayd baadiye, maantana waa magaalo oo waxaan haysanaa Biyo iyo Waxbarasho”

Mashaariicdaan ayaa waxaa iska kaashaday Dawlad deegaanka Soomaalida heer xuumadeed, heer gobol iyo heer degmo, Hay`adda Badbaado iyo jaaliyadda deegaanka ee dibadda dalka ku maqan. Tan iyo intii uu xilka la wareegay madaxweyne Mustafe Maxamuud Cumar (Cagjar) wuxuu guud ahaan deegaanku ku tilaabsaday horumar ku yimid iskutashi dawladda iyo shacabka.

Hay`adda Badbaado ayaa Ceelal Biyood 12 gaaraya iyo Iskuulo waxbarasho ka fulisay gobolka Doollo ee DDS, taas oo ay shacabka gobolku u qabeen baahi xoogan.

About The Author