Akhriso Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal oo ku dhawaaqay Natiijada Doorashada Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS
31 Marso 2022 (Puntlandes) Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ku dhawaaqay Natiijada Doorashada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
4 Kursi ayaysan shaacin guddiga FEIT kuwaas oo uu ka mid yahay HOP086 ee magaalada Beledweyne lagu doortay Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yasin iyo 3 xubnood oo deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.
Kuraasta natiijadooda rasmiga aan Guddiga FEIT shaacin ee horay loo hakiyay, isla markaa aan ku soo bixin liiska rasmiga ah ee Labada Aqal Baarlamaan Federaalka waxaa ka mid ah:
Koofur Galbeed
1-HOP103 waxaa ka tartamayey Guddoomiye Jawaari laakiin Koofur Galbeed waxay soo siisay Maxamed Cali Xasan
2-HOP154 Koofur Galbeed waxay soo siisay Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla.
3-HOP204 waxaa ka tartamayey Wasiirka Gaashaandhiga C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac)
Hirshabelle
1-HOP086 Hirshabeelle waxay soo siisay Xildhibaan Fahad Yasin