Koonfur Galbeed oo ka hadashay liiska Xildhibaanada la shaaciyey, taageertsyna dhaarinta Xildhibaanada
01 April 2022 (Puntlandes) Koonfur Galbeed oo Warsaxaafadeed: soosaartay ayaa shaacisay Mawqifkeeda liiskii ay Guddiga Doorashooyinka heer Federaal shaaciyeen, kaas oo ay ku hakiyeen 3 kursi oo laga soo doortay KG.
Dhanka kale Koonfur Galbeed ayaa taageertay Dhaarinta Xildhibaannada iyo in la dedejiyo iyadoo farta ku goday madax DFS ka mid ah oo doonaysa waqti kordhin kana cagajiidaya in gudoonka Baarlamaanka iyo madaxweynaha la doorto.
Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka Koonfur Galbeed:
Baydhabo 01da Abriil 2022: Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya wuxuu aad uga xun yahay habdhaqanka Guddiga FEIT, musuqa baahsan ee ka dhex socda iyo kala qeybsanaanta ku timid xubnaha Guddiga.
Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed wuxuu u arkaa tallaabada uu qaaday Mudane Muuse Geelle Yuusuf ee uu ku bartilmaameedsaday kuraas deegaanno gaar ah laga soo doortay inay tahay mid sharci darro ah oo khilaafsan heshiisyadii iyo habraacyadii doorashooyinka.
Maadaama Guddiga uu lumiyay waajibaadkii loo igmaday iyo madaxbannaanidii laga sugayay, hoggaanka SEIT oo kaashanaya xubnaha Guddiga Hirgelinta Heer Federaal ee ka hawl galayay Koonfur Galbeed waxay si toos ah ugu wareejinayaan faylasha xildhibaannada Xoghayeyaasha Labada Aqal ee Barlamaanka JFS.
Koonfur Galbeed waxay xoojinaysaa in la dadajiyo dhaarinta iyo guda galka doorashooyinka, waxayna ka digeysaa tallaabooyinka lagu dheereysanayo muddo xileedka kaasoo ay ka shaqeynayaan qaar kamid ah xafiisyadii loo igmaday inay hawshan si hufan usoo gabagabeeyaan.
DHAMMAAD