Sawirro: Muse Biixi oo kormeeray khasaaraha Dabkii Xalay Ka Kacay Bartamaha Hargeysa
02 April 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kormeeray suuqa weyn ee WAAHEEN oo uu xalay uu ka kacay dab xoogan oo gebi ahaanba baabi’iyey, ganacsigii ka jiray goobtaasi.
Madaxweyne Biixi oo shacabka kala hadlay goobaha uu dabku baabi’iyey, ayaa dadkii hantidoodu baaba’day Eebbe uga baryey inuu beddel khayr leh siiyo, isaga oo shacabka reer Hargeysa iyo ciidamada kala duwanna ugaga mahadnaqay sida hagar la’aanta ah ee ay u gurmadeen.
Madaxweynuhu ayaa waxa uu goobta ka shaaciyey inay xukuumaddu siinayso dadkii ku waxyeeloobay lacag dhan hal milyan oo Doollar, ($1,000’000).
Dhinaca kale madaxweyne Biixi ayaa mahadceliyey Raiisul wasaaraha Itoobiya, madaxweynaha Jabuuti iyo madaxweynaha DDS isagoo sheegay inay uga tacsiyeeyeen khasaarihii dhacay.