Sawirro-Muuqaal: Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya oo booqday Suuqii Hargaysa ee gudtay

02 April 2022 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa qaabilay wafti ka socda dawladda Federal-ka Itoobiya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Ethiopia, Mudane Axmed Shide.

Weftigan oo ujeeddada safarkoodu daarran yahay inay shacabka Somaliland la qaybsadaan tiiraanyada iyo murugada, sidoo kalen madaxweynaha gaarsiiyeen dhambaal tacsi ah oo ay ka sideen Ra’isal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahemd Ali.

Xubnaha Weftiga ka socda dawladda Federal-ka Itoobiya ayaa waxaa kala yihiin Wasiirrada wasaaradaha Maaliyadda, Mudane Axmed Shide, Gaadiidka, Marwo Dagmawit Moges iyo Masuuliyiin ka socda laamaha Aamniga iyo gurmadka iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Ethiopia. Amb. Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad) oo weftiga la socday.

Waftiga ayaa isla galabtaba kormeeray suuqa Waaheen ee uu dabku baabi’iyey, waxana ay indhahooda kusoo arkeen baaxadda dabka iyo waxyeellada uu gaarsiiyey dhaqaalihii suuqaasi ku cammirnaan jirey, waxaana si wada jira warbaahinta ula hadlay Wasiirka Isgaadhsinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland, Dr. Cabdiweli Sheekh Suufi iyo Wasiirka Maaliyadda Ethiopia, Mudane Axmed Shide.

About The Author