Rooble oo amray in fasaxo lacag ka xanibnayd Somaliland si wax looqabto khasaarihii u dhliyey dabkii Hargaysa
03 April 2022 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in si deg deg ah qasnada dowladda looga faxaso lacag ku dhow 12 Milyan oo doolarka Mareykanka ah, lacagtaas horay loogu talogalay mashaariicda horumarinta laakiin ku xanibnayd Muqdisho.
Rooble ayaa amray in lacagtaan loo weeiyo gurmanayo dadka Hargaysa ee uu saameeyay dabkii baabi’iyay Suuqa Waaheen ee magaaladaHargeysa.
Qoraalka Rooble ayaa u qornaa sidaan hoose:
Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $ 11,700,000 ( Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ku jirta xisaabta DFS, taas oo ah deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Somaliland, si loogu xoojiyo howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii baabi’iyay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa.