Guddiga Hirgelinta Doorashooyinku Heer Federaal oo eedeeyey laba xubnood oo…

04 April 2022 (Puntlandes) Guddiga Hirgelinta Doorashooyinku Heer Federaal ayaa qoraal ay soo saareen ku eedeeyey laba xubnood oo isla guddigooda ka tirsan.

Hoos ka akhriso qoraalka Guddiga:

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinku Heer Federaal ee (FEIT) waxa uu u caddeynayaa Bulshada Soomaaliyeed iyo cid kasta oo daneynaysa arrimaha doorashada, in Guddoomiyihii hore ee Xilka laga qaaday Maxamed Xasan Maxamed iyo Xoghayihii hore Cabdirixiin Cabdicasiis Adam, ay maanta soo weerareen Xarunta Guddiga, iyaga oo isku dayey inay qalalaase ka abuuraan goobta ay shahaado bixintu ka socotay. Xubnaha abuuray qaskaas ayaa ah kuwo ku shaqeynaya fikrado gurracan oo xagal-daacinaya shaqada doorashada.

Waxay ka dhigantahay in caqabado iyo jid-gooyo hor leh lagu abuurayo doorashada iyaga oo dhexda mareyso shaqada shahaada bixinta Xildhibaanada la doortay. Guddigu waxa uu ku dedaalayaa mar kasta inaan ka dhabeynayno dhammeystirka Jadwalka doorashada ee aan horey u shaacinnay.

Mahadsanidin!

About The Author