NISA oo shaacisay inuu socdo qorshe lagu dili rabo Farmaajo iyo Rooble
05 April 2022 (Puntlandes) Hay’adda NISA ayaa soo saartay digniin aan caadi eheyn, taasoo ay ku sheegtay inuu socdo qorshe kooxda Alshabaab ay ku dooneyso iney ku disho madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaare Rooble.
NISA ayaa qoraal ay ku shaacisay twitter-ka ku sheegtay in fulinta howshan uu Hormuud ka yahay shaqsi ay ku magacawday Maxamed Maahir, kaasoo ay hay’ada baaritaano ku heyso.
“Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh” ayaa lagu yiri Qoraalka NISA.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhowr maalmood kahor sheegay inuu helay hanjabaado dil ah oo la xiriiray isku daygii uu ku xaqiijinayey in xildhibaan Aamina Cabdi Maxamed ay u tartanto kursigeeeda kahor inta aan la dilin, waxaana jira shaki ku aadan in qorshahan lala damacsan yahay Rooble.