Galmudug “go’aan kasta oo hal dhinac ahna wuxuu khatar galin karaa wadajirka hoggaanka Madasha Wadatashiga Qaran”
05 April 2022 (Puntlandes) Galmudug ayaa warsaxaafadeed ay ka soo saartay doorashada waxay ku sheegtay inuu aad uga walaacsanyahay xaaladda khilaaf ee kasii daraysa ee ku yimid hanaankii doorashada oo haatan marayay meel gebogabo ah.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay iney ka xun yihiin xasilooni darada lagu abuurayo doorashada, xili ay fooda nagu soo heyso waqtigii lagu balamay in la qabto dhaarinta xildhibaanada labada Aqal.
Galmudug ayaa waxay qoraalka ku ku tiri “in doorashooyinka dalka lagu soo waday wadatashi, isu tanaasul iyo wada-ogol, go’aan kasta oo hal dhinac ahna wuxuu khatar galin karaa wadajirka hoggaanka Madasha Wadatashiga Qaran”
Hoos ka akhriso qoraal warsaxaafadeedka Galmudug:
MOWQIFKA DOWLADDA GALMUDUG
Dhuusamareeb,
Abriil 5, 2022:
Dowladda Galmudug waxay aad uga walaacsantahay xaaladda khilaafka kasii daraya ee ku yimid hanaankii doorashada oo marayay meel gebogabo ah.
Dowladda Galmudug waxay ka xuntahay doorashooyinkii oo heer gebogebo ah maraya oo ay foodda inagu soo heyso dhaarintii Xildhibaanada labada aqal ee BFS, in la abuuro jawi xasilooni darro siyaasadeed oo dhaawici kara dhameystirka doorashooyinka.
Dowladda Galmudug waxay garawsantahay in doorashooyinka dalka lagu soo waday wadatashi, isu-tanaasul iyo wadar-ogol, go’aan kasta oo hal dhinac ahna wuxuu khatar galin karaa wadajirka hoggaanka Madasha Wadatashiga Qaran.
Dowladda Galmudug waxay adkayneysaa baahida loo qabo ilaalinta hanaankii lagu heshiiyay, taasoo xaqiijineysa khilaaf kasta in lagu xaliyo wadajirka Madasha Wadatashiga Qaranka.
DHAMMAAD