Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo taageeray dhaarinta xildhibaanda cusub ee 14ka april
05 April 2022 (Puntlandes) Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay Madaxweynayaasha Jubaland iyo Hirshabelle inay si dhaqso ah u soo dhameystiraan xubnaha Baarlamaanka ee ku harsan.
Safiirka ayaa taageeray qabanqaabada loogu jiro dhaarinta Xildhibaannada cusub taas oo la qorsheeyay 14 April.
Sidoo kale waxaa uu ku booriyay wadahadal iyo isu tanaasul si loo xaqiijiyo in si nabad ah, oo ballaaran lana aqbalay in lagu soo gabagabeeyo hannaanka doorashada Soomaaliya.