Guddiga Doorashooyinka Heer Federal: dib baa loogu laabanaayaa Kuraasta la hakiyay
06 April 2022 (Puntlandes) Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Heer Federal (FEIT) ayaa waxaa uu go’aamiyey in dib loogu noqdo doorashada dhammaan kuraasta la hakiyey, si loo saxo habraacii qaldamay.
Guddiga aya isagoo tixraacayo habraacii doorashadii 2016kii ayuu guddigu dib ka soo sheegi doonaa qabashada doorashada kuraastan, goorta iyo goobta lagu qaban doono.