Ciidanka ATMIS ex AMISOM oo bandow ku so orogay Xalane muddada……
09 April 2022 (Puntlandes) Ciidanka Nabad-Ilaalinta ATMIS ex AMISOM waxay sameyn doonaan Exercise ballaaran muddada udhexeysa 10-ka oo Beri ah ilaa 16-ka Bishaan April.
War qoraal ah oo kasoo baxay howl-galka ATMIS ayaa waxaa bandow loogusoo rogay kaamka Xalane, iyadoo arrinkaan lagu wargeliyey hey’adaha UN-ka, diblomaasiyiinta caalamiga ah, NGOs, qandaraasleyaasha iyo dowladda.
Waxay ATMIS joojin doontaa waxkasta oo dhaqdhaqaaq ah, waxaa la xiri doonaa dhammaan nooc kasta oo Ganacsi oo Xalane ku dhexyaala Xerada Xalane, waxaa kale la joojin doonaa dhammaan dhismayaasha socda iyo qandaraaslayaasha.
Sidoo kale waxaa Xalane laga dhex sameyn doonaa Barro koontorool lamana ogolaan doono wax dhaqdhaqaaq ah.
Meelaha ay howshani ka qabsoomi doonto waxaa ka mid ah Movcon oo ah Terminal ay isticmaalaan Dibloomasiyiinta Shisheeye.
Dhanka kale wuxuu bandowgaani ku soo aadayaa waqitigii Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Heer Federal (FEIT) ay qorsheeyeen in la dhaarin doono Xoldhibaanada cusub ee labada Aqal ee Baarlamaanka JF Soomaaliya, taas oo ku beegan 14ka april laguna waday inay ka qabsoonto Teendhada xalane.