Akhriso Fahad Yasin oo Maxkamada Sare ka dacweeyey Guddiga (FEIT)
10 April 2022 (Puntlandes) Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yasin iminkana ku magacaaban Lataliyaha madaxweynaha oo doorashadiisa ay Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Heer Federal (FEIT) dib u celiyeen ayaa Maxkamada Sare ka dacweeyey Guddiga.
Fahad oo lagu magacaabo mulkiilaha dawladda Farmaajo ayaa waxaa dhaqan u ahayd 5tii sano oo ay dalka xukumeen waxay baal mareen wax kasta oo Qaanuun iyo Dastuur ah oo dalku lahaa, maanta markii ay dhankooda gaartay oo ay dareemeen ayey waxay dib usoo xusuusteen in dalku leeyahay Maxkamad iyo Hey’addo Sharci oo loo caban karo.