Sawirro-Muuqaal: Dekada Garacad oo laga dhagax dhigay Saldhig Boolis
10 April 2022 (Puntlandes) Wasiir ku xigeenka Amniga Cabdullaahi Cabdi salaan iyo DDR iyo Taliyha Booliska dawladda Puntland S/guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa Saaka gudaha Dekada Garacad ka dhagax dhigay Saldhig Boolis oo ay yeelan doonto Dekada Garacad.
Waxaa ku wehiliyey Wasiirka iyo Taliyaha Gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug Maxamed Xassan Waloore iyo Taliyaha qaybta gobolka Mudug G/sare Muumin Cabdi shire waxaana deegaanka ku soodhaweeyay maamulka, saraakiisha amniga iyo waxgaradka.