Daawo Muuqaal: Guddoomiyaha Guddiga FEIT oo ku dhawaaqay in dhaarinta xildhibaannada labada aqal ee BJFS ay dhici doonto 14-ka bishan April

10 April 2022 (Puntlandes) Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf ayaa sheegay in dhaarinta xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay dhici doonto 14-ka bishan April oo ku beegan maalinta Khamiista ah ee na soo aaddan.

Guddoomiyaha oo ay wehliyaan, guddoomiye xigeenka guddiga FEIT iyo Xoghayeyaasha guud ee labada aqal ee Baarlamaanka ayaa kor meeray teendhada xerada Afisyooni oo la qorsheeyay in munaasabadda dhaarinta lagu qabto, waxa uuna ugu baaqay xildhibaannada dooran ee aan wali shahaaddada qaadan in ay dhaqso isu diiwaan galiyaan shahaaddadana qaataan.

About The Author