ATMIS oo sheegay in bandowga lagu soo rogay Xerada Xalane uusan dhibbaato ku ah hannaanka doorashada ee dalka
10 April 2022 (Puntlandes) Warsaxaafadeed kasoo baxay ATMIS ex AMISOM ayaa lagu sheegay in bandowga lagu soo rogay Xerada Xalane uusan ahayn mid dhibbaato ku ah hannaanka doorashada ee dalka.
Waxay sidoo kale sheegeen in dhaarinta Xildhibaannada cusub ay Xalane ka dhaceyso, iyagoo mar walba u taagaan yihiin xaqiijiinta amniga guud ee xeradaas.
Warsaxaafadeedkaan ayaa kusoo aaddaya xilli maanta ay shir yeesheen RW Rooble iyo wakiilo ka tirsan beesha Caalamka.