Golaha deegaanka degmada Qardho ee lagu doortay qof iyo cod oo doortay gudoomiye iyo kuxigeen
11 April 2022 (Puntlandes) Golaha deegaanka degmada Qardho ee lagu doortay qof iyo cod bishii okt 2021 ayaa wuxuu doortay gudoomiye iyo kuxigeen.
Cabdi Saciid Qaal oo ka mid ah Ururka MIDEEYE iyo gudoomiyaha KMG ah ee degmada Maxamed Buraale ayaa ku tartamay gudoomiyhay degmada.
Cabdi Saciid Qaal wuxuu ku guulaystay 20cod halka uu Maxamed Buraale helay 13 cod.
Gudoomiye kuxigeenka degmada ayaa waxaa ku guulaystay Maxamed Cabdullaahi oo ka tirtay Ururka SINCAD.
Labada Urur ee MIDEEYE iyo SINCAD ayaa samaystay isbahaysi iyagoo horay sidaan oo kale uu Ururka SINCAD qaatay Gudoomiyaha degmadda Ufeyn halka uu MIDEEYE qaatay kuxigeen.