Xukuumadda Somaliland oo xirxirtay wariyayaal badan
13 April 2022 (Puntlandes) Maxabiistii ku jirtay Xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa ayaa sameeyey shaqaaqo ama isku day baxsi, iyadoo ay Askar kasoo gaartay dhaawac.
Wararka qaar ayaa sheegaya in maxaabiistaas ay gacanta ku dhigeen hub iyo rasaas, taasina ay keentay is-rasaaseyn dhex-mareysa ayaga iyo ilaalada xabsiga.
Waxaa xabsiga gaaray Ciidamada Madaxtooyadda, Milatariga iyo Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Somaliland oo isku hareereeyay dhammaan jidadka kasoo baxa xabsiga dhexe si looga fogaado inay baxsadaan qaar ka tirsan maxaabiista.
Xukuumadda Somaliland ayaa ka carootay wariyaal tabinayey dhacdada Xabsiga, iyadoo Xabsiga u taxaabtay wariyayaal ka badan 20.
wariayaasha la xiray ayaa u shaqaynayey BBC, VOA iyo Tvyada iyo Idaacaddaha soomaalida.
Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland oo gaaray xarunta Tvga Horn Cable TV ayaa ayaa qaatay dhamaan qalabkii uu Tvgu ju hawl-galayey iyagoona xabsiga u taxaabay 6 shaqaale ah oo ku jiray shaqadooda.