Gudoomiye Ciro ” Saxaafadu ha samirto 7 bilood ee Muuse Biixi u hadhay …”

13 April 2022 (Puntlandes) Musharaxa madaxweynaha Somaliland ee Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa qoraal uu kaga falceyey xariga ay u gaysatay wariyayaal ka hawl-galayey Hargaysa waxaa lagu daabacay barta uu ku leeyahay facebooga.

Hoos ka akhriso qoraalka musharax Cirro:

Waxa aan si adag u cambaareynayaa falalka foosha xun ee lagu xidhxidhay isla markaana lagu qafaashay Suxufiyiin kor u dhaafaya labaataneeyo Suxufi iyo Telefishinka madaxa bannaan ee HCTV oo xaruntiisa dhexe xoog lagu galay, qalab badanna laga burburiyey, arrintani waxa ay muujinaysaa oo ay ka marag kacaysaa fashilka hoggaamineed ee dul-hogganaya Xukumadda talada haysa ee KULMIYE.

Waxaa marag ma doon ah sida ay Xukuumadda KULMIYE mar walba bar-tilmaameed uga dhigteen xadhigga, caga-jugleynta, cabudhinta Suxufiyiinta xurmada leh ee ka howlgala Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay umadda reer Somaliland is weydiineysaa goorma ayey Saxaafaddii Somaliland noqotay mid Dawladdeedii dagaal kula jirto? Saxaafadda Qarankeenna duruufo badan oo adag ayey dalkan iyo dadkiisaba u soo martay, Xukuumad kastana waa in ay ka shaqeysaa tayeynta iyo sare u qaadista aqooneed ee Saxaafadda xorta ah ee JSL.

Xukumadda KULMIYE waxa aan ugu baaqaya in ay si degdeg ah xorriyadoodiI ugu soo celiso Suxufiyiinta sifada sharci darrada ah ku xidhan, mag-dhowna ka bixiso dhammaan qalabkii warbaahineed ee ay burburiyeen isla markaana ka waantoodo fafalkan gurracan ee ka soo horjeeda xorriyatul qowlka iyo madax bannaanida warbaahinta ka howlgasha JSL iyo ku tumashada xuquuqal insaanka.

Dhanka kale, Saxaafadda Jamhuuriyadda Somaliland ee madaxa bannaan waxa aan ugu baaqayaa in ay u samraan oo aanay ku niyad jebin ficilada anshaxa iyo sharcigaba ka baxsan ee ay Xukumadda KULMIYE ku kacayso, waxa aan leeyahay cidda aad u adeegaysaan waa dalkiinii & dadkiinii , inta uu dhalanayo isbeddelka shacbigu hogaaminayo ee iman doonna 13 November 2022

Guul Somaliland .

About The Author