EYL: Malayshiyo la wareegtay hoolkii lagu qaban lahaa doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye kuxigeenka

14 April 2022 (Puntlandes) Wararka ka imaanaya degmada Eyl oo ka tirsan Gobolka Nugaal ayaa sheegaya in malayshiyo hubaysan la wareegeen hoolkii lagu qaban lahaa doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka degmadaas, waxaan ka dhashay dhaawac hal qof.

Laba musharrax oo ay kala wataan labada garab ee urur siyaasadeedka Kaah ayaa u sharraxan doorashada guddoomiyaha degmada Eyl.

Ururada mucaaradka ayaa horay uga guulaystay urur siyaasadeedka xukuumadda guddoomiyaasha degmooyinka Qardho iyo Ufayn oo laga qabtay doorashada qof iyo cod.

About The Author